Cabdiweli Sheikh oo arrin fool xun ku sifeeyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/wali Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Siyaasada Somalia iyo cida kasoo horjeeda in Somalia ay noqoto Dowlad cagaheeda ku taagan.

C/wali oo iminka ku sugan deegaanada Puntland ayaa sheegay in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay noqdeen kuwo aan daacad u aheyn dalkooda islamarkaana ka shaqeeya burburinta dalka.

Wuxuu sheegay in mudadii uu xilka hayay ay soo mareen Siyaasiyiin kala duwan oo midba wata hadaf lidi ku ah Siyaasiga kale, isaga oo tilmaamay in dhamaantooda ay yihiin kuwo u jooga luqaafo iyo dibin daabyo aan ka gudub laheyn.

C/wali waxa uu tilmaamay in Siyaasada Somalia oo idil ay ka bilaabato musuq-maasuq islamarkaana kusoo gabagabowdo laaluush iyo in Siyaasiyiinta dhexdooda loo adeegsado dhaqaale.

Burburka Somalia ayuu sheegay inaysan aheyn mid shacabka ay geysanayaan balse waxa uu tibaaxay inay tahay mid ay maleegaan Siyaasiyiinta taasina waxa uu ku tilmaamay mid lagu qiyaaneynaayo Somalia.

Sidoo kale C/wali waxa uu iska fogeeyay in mudada uu xilka hayay uu faragalin dhaqaale ku sameeyay qasnada DFS, taasina ay ugu wacan tahay ayuu yiri ka fogaanshiyaha xuquuqda shacabka.

Dhanka kale, Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/wali Sheekh waxa uu ka digay in Siyaasiyiinta Somalia ay kusii fogaadan waxa uu ugu yeeray nin jecleysiga iyo musuqa ay ku dhex wadaan dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com