Isbedel weyn oo lagu arkay magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo xarun u ah maamulka Jubbaland ayaa laga dareemayaa isbedel weyn oo dhanka amaanka ah iyo ciidamo badan oo lagu daadiyay waddooyinka magaalada.

Ciidamada oo ka tirsan maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa aad u adkeynaya amaanka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo uu ka socdo diyaar garowga marti gelinta shirka looga hadlayo doorashada ka dhaceyso Soomaaliya sanadkan.

Inkastoo shaki weyn uu ka jiro in shirka beri uu ka dhacayo  magaalada Kismaayo islamarkana aysan muuqan saansaan shirkaasi ku qabsoomi karo, ayaa haddana waxaa jiro diyaar garow weyn oo magaalada Kismaayo ka socdo.

Afhayeenka maamulkaasi oo maalin ka hor saxaafada kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shirkaasi uu ka dhici doono magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, balse haatan ma muuqato arimahaasi oo dhan sababtoo ah madaxdii ka qeyb gali laheyd waxay ku sugan yihiin magaalooyinka caasimada u ah maamuladooda.

Amaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo dhawaan magaalada ay tageen ciidamo ka socdo dowlada Ethiopia kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa dhankiisa shaaciyay in magaalada Kismaayo u diyaar garowday shirkaasi iyo marti gelintiisa lana adkeeyay amaanka magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com