Daawo: Koonfur Galbeed oo amar culus ku soo rogtay musharaxiinta kuraasta Baydhaba iyo BARAAWE

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray amar ku socda musharaxiinta kuraasta xildhibaanada golaha shacab ee deegaan doorashadoodu tahay magaalooyinka Baraawe iyo Baydhaba.

Amarkaan ayaa ah in musharaxiintu aysan magaalooyinkaas la tegin karin hub iyo ciidan u gaar ah, sidoo kale wasaaraddu waxay ku sheegtay war-saxaafadeedkaan in ammaanka musharaxiinta ay damaanad qaadeyso.

Wasaaradda ayaa amarkaan ku socodsiisay maamulka garoomada magaalooyinka Koonfur Galbeed, hey’adaha ammaanka dowladda federaalka, K/Galbeed iyo musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan kuraasta xildhibaanada ee laga soo doorto deegaanadaas.

Koonfur Galbeed ayaa go’aankaan ku macneysay mid looga hor tegayo qalqal gelin amni oo laga abuuro magaalooyinka Baydhaba iyo Baraawe, inta ay ka socoto doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

“Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed waxay u cadeyneysaa musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan kuraasta golaha shacabka inay sugi-doonto ammaankooda, si lamid ah sidii ammaankooda loo sugay musharaxiintii hore, hey’adaha amniga waxaa la farayaa inay fuliyaan amarkaan,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaarada amniga K/Galbeed.

Amarkaan ayaa ku soo aaday xilli maanta guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey loo diiday inuu ka dego magaalada Baraawe oo laga soo doorto kursiga HOP#145 oo horay uu isagu ugu fadhiyey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tallabada looga hor istaagay Muudey inuu tago Baraawe uu ka dambeeyo La-Taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin, oo la sheegay inuu damac uga jiro booska uu ku fadhiyo Muudey ee guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka.

Hoos ka daawo amarka K/Galbeed

https://youtu.be/CvGX7VQXdbI?t=1