Daawo: Koonfur Galbeed oo shaacisay tallaabo ay ka qaadeyso mucaaradka

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Mudane Ilyaas Cali Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga

Ilyaas Cali Nuur oo marka hore u jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigooda uu yahay Muqdisho ayaa ku eedeeyey inay kasoo horjeedaan horurmarka Koonfur Galbeed.

Wasiirku waxa uu sheegay in siyaasiyiin mucaarad ah ay Muqdisho ka wadaan qorshe ka dhan ah maamulka, balse Koonfur Galbeed uu ka jiro nidaam iyo kala dambeyn.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo wax u dhimeysa amniga, si looga hortego qalalaase ka dhaca deegaanada maamulkaasi.

Wasiir Ilyaas Cali Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay xildhibaanada iyo shacabka Koonfur Galbeed inay ilaashadaan amniga iyo jiraanka maamulkooda.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho uu ka socday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Lafta Gareen, kuwaas oo ay wadaan siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Arrinta la’isku hayo ayaa waxaa bud dhig u ah doorashada hoggaanka maamulkaasi, kadib markii xubnaha mucaaradka ay ka horyimaadeen muddo kororsiga madaxweyne C/casiis Lafta Gareen oo ay hal sanno oo dheeraad ah ugu dareen xildhibaannada Koonfur Galbeed.