DF oo ‘billaabeysa’ bixinta aqoonsiga muwaadinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay shaaciyay in dhawaan la bixinayo aqoonsi dadweyne (National ID).

Wasiirka oo hadal ka jeediyay Shirweynaha qaran ee Barakaca Qasabka ah ayaa waxa uu sheegay in adeegaan uu muhiim u yahay xogta qofka si loo saldhigo barnaamijka xasilinta iyo in uu muwaadinku helo aqoonsi dhameystiran.

“Dalka waxa uu dhowaan yeelanayaa diiwaan-gelinta madaniga oo waxaa la bixinayaa aqoonsigii dadweynaha (National ID) oo qayb weyn ka qaadaneysa in la helo xogta dhammeystiran ee Muwaadiniinta Dalka,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi ayaa intaas ku daray in wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii maamulada qeybaha hoose bulshada loo gaarsiin lahaa si dadku ay u doortaan qofka ay xilka ku aaminayaan loogana gudbo nidaamka xulashada (Doorashada Dadban).

Qoysas badan ayaa ka barakacay xaalada Abaareed ee ka jirta gobolada dalka oo dadka iyo duunyadu ay ku dhinteen, iyo colaadaha oo ah aafo kale oo sal kicisay boqolaal ruux oo doorbiday in ay ku noolaadaan meelaha ay u arkaan in ay nabadgalyo ku helayaan.

Hadalkaan ayaa sidoo kale waxa uu kusoo aadaya xili walaac hor leh oo dhanka amniga ah laga muujiyay kaamamka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho, oo ku nool yihiin dad aad u badan oo tirakoob sax ah aysan ka hayn dowladdu, islamarkaana la socon dhaq-dhaqaaqooda.