Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka dhex-maraya Xasan Sheekh iyo SACIID DENI

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Labada masuul ayaa ka wada-hadli doona mad-madow badan oo soo kala dhex-galay iyo dalabaad uu wato Saciid Deni, wuxuuna kulankaan imanayaa kadib markii Xasan Sheekh uu dhawaan ka baaqdey safar uu ku tegi lahaa magaalada Boosaaso oo laga sameeyey saldhig ciidan oo Imaaraadka Carabta ay hor boodayaan.

Saciid Deni oo lagu wado in safarkiisa Muqdisho uu qaato muddo laba maalmood ah ayaa waxaa uu diidan yahay in shaqsiyaad siyaasadiisa kasoo horjeeda oo deegaan ahaana kasoo jeeda Puntland xilal sare looga magacaabo dowladda federaalka.

Deni ayaa markii uu kasoo baxayay Garoowe waxa uu kula dardaarmey golihiisa wasiirada inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabidda saraakiil hogaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federaalka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto.

Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin.

Madaxweyne Deni ayaa dhowr jeer ka horyimid talaabooyin ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale waxa uu hore si weyn uga soo horjeeday dowladdii hore ee uu hogaaminayay Farmaajo.