Sawirro: Ganacsiga qaar ee jidka Maka Al-Mukarama oo maanta xiran + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta hakad uu yimid dhaq-dhaqaaqa guud ee ganacsiga ka jira qaybo ka mid waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Ganacsatada waddadaasi, gaar ahaan kuwa mehradaha ku leh inta u dhaxeyso isgoysyada Dabka iyo Sayidka ayaa albaabada isugu laabay gabahooda ganacsi.

Qaar ka mid ah ganacstada oo la hadlay warbaahinta ayaa asheegay inay cabasho ka yihiin xirnaashaha waddadaas oo laga gebi ahaan mamnuucay gaadiidka iyo mootooyinka.

Sidoo kale waxa ay ganacsatadu sheegeen inay waayeen cid wax ka iibsata, tan iyo markii la hakiyey isku socodka isgoysyada Dabka iyo Sayidka oo ku dhow madaxtooyada.

“Mehradaheena waxay qarka u saaran yihiin inay xirmaan sababo la xiriira xirnaashiyaha waddada, waxaan weynay cid wax naga iibsata maadaama meel naloo soo maro aanay jirin,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada oo ka hadlayey dhibaatada soo food saartay.

Dhanka kale Ganacsatada ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay wax ka qabato cabashooda, maadaama ay yihiin Canshuur bixiyeyaal, hadane dhiban.

Arrintaan waxaa ugu wacan amni darrada magaalada Muqdisho, taas oo keentay in ciidamadu ay xiraan waddadaas muhiimka ah oo ay horey qaraxyo uga dhaceen.