Daawo Video: Kooxda Gurmad oo si rasmi ah u soo bandhigtay hannaanka doorashada 2016-ka

Columbus (Caasimada Online) – Kooxda Gurmad oo beryahan danbe aad uga dhex muuqatay masraxa siyaasadda Soomaaliya, ayaa daaha ka rogtay habkii aay u dhici lahayd doorasho aay Soomaali leedahay iyagoo markaas uga digay shisheeyahaya in aay ka waantoobaan faragelinta tooska ah aay ku hayaan  kaasoo raggaadiyay hamigii Soomaaliya aay ka lahayd in aay gaarto horumar dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Kooxdan aqoonyahannada ah oo iyaga iskood isku xilqaamay in aay u gurmadaan, samata bixiyaanna dalkooda hooyo, iyagoo markaa hal kudhigoodu uu yahay Gurmadka “Soomaaliya haloo daayo in aay aayahooda siyaasadeed aay ka tashadaan” isla markaasna diiday “In aanay gobonimada, madaxbannaanida Soomaaliya aanay gelin gor-gortan iyo gacmo shisheeye”

Munaasabadda lagu soo bandhigay habka doorashada aay rabaan shacabka Soomaaliyeed (Somali Owned Road-Map) ayaa dadweynihii ka soo qeyb galay aay si aad ah ugu riyaaqeen, iyagoo markaasna ku qeylinayay hal kudhigyo aay ka mid ahayd (SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH).

Halkaan Ka Akhriso

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/09/Gurmad_RoadMap.pdf”]