R/W CCC oo mar kale ka hadlay arrin sabab u aheyd khilaafka ka dhexeeya Villa Somalia & BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa mar kale ka hadlay arrimaha la xiriira qaabka ay noqon doonto doorashada dalka ka dhici doonto.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in DF Somalia ay ku adag tahay inay qabato doorasho nin iyo codkiisa ah, waxa uuna sheegay in doorashada ay doonayaan 2016-ka ay noqon doonto mid aan aheyn nin iyo codkiisa.

Waxa uu sheegay in DF Somalia aysan si wanaagsan ugu diyaar garoobin doorasho dalka ka dhacda, balse xiligaani ahmiyadu ay tahay in doorashadu ay ahaato mid u dhaxeyn doonto Musharaxiinta iyo Codbixiyayaasha oo ah BF Somalia.

Waxa uu sheegay in dhawaan lasoo saari doono qorshe cad oo ku aadan sida ay ku dhici karto doorasho, iyo hanaanka wax loo dooran doono.

Waxa uu sheegay in hadda Soomaaliya Isbedal ballaaran oo dhanka amniga iyo horumarka ah laga dareemayo, dowladdana ay sii wadi doonto dadaallada nabadda iyo horumarka ah.

Waxa uu soo hadal qaaday Maamulada iminka dhismihiisu uu ka socdo Gobolada dalka iyo qaabka loo dhaqan galin doono Federaalisimka, waxa uuna tilmaamay in DF Somalia ay ka go’an tahay inay si xooli ah u dhaqan galiso Federaaliisimka, waxa uuna dhanka kale cadeeyay in Gobolada is qaadan kara ay u sameyn doonaan Maamulo.

Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay in dalka aysan ka dhici karin sandka 2016-ka doorasho qof iyo cod ah, balse ay jiri doonaan qaabab kale oo doorasho lagu qaban doono.

Arrinta doorashada ayaa waxa ay sabab u tahay Khilaafyada kala duwan ee iminka ka dhexeeya BF iyo Madaxtooyada dalka.

Xildhibaanada ayaa dhowr jeer dood ka keenay qaabka ay DF Somalia u dooneyso inay u qabato doorashada dalka waxa ayna badankoodu yihiin kuwo qaba in doorashadu ay u dhacdo nin iyo codkiisa, balse Madaxtooyadu ay ka caga jiideyso, waxa ayna taasi horseeday Mooshino ay Xildhibaanadu uga cad goosanayaan Xassan Sheekh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com