XOG: Xildhibaan kashifay qorshe cusub oo lagu iibinayo dhul DOWLADEED oo ay wadaan…!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulqaadir Sheekh Xanafi oo ka mid ah Xildhibaanada BF Somalia oo iminka ku sugan magaalada Baladweyne, ayaa sheegay in Maamulka uu wado qorsho uu ku iibinaayo Xerada daraawiishta ee magaaladaasi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Maamulka uu ku tagri falaayo Hantida Qaranka, waxa uuna sheegay in iibinta dhulkaasi aysan waxba kala socon DF.

Xanafi waxa uu tilmaamay in xerada la iibinaayo ay iminka wax ku dhex bartaan arday, hadii la iibiyana ay dhamaan ardaydaasi meel cidla ah kusoo dhacayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in aan la ogeyn sababta maamulka ku kaliftay in lagu xad gudbo xarun shacabka oo dhan ay wada leeyihiin, islamarkaana la burburiyo.

Hay’adaha ay khuseyso arrimahaasi ayuu ugu baaqay in si dhaqsi leh ay ku badbaadiyaan damaca lagu doonaayo in lagu iibiyo dhismahaasi oo ah dhismo Dowladeed.

Dhanka kale, Maamulka Hiiraan ayaa iminka u guda galay burburinta dhismaha waxaana la doonayaa in lagu iibiyo dhul ahaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com