Xog: Mooshinka XASAN oo lugaha la galay dad aan la fileynin (SIYAASI caan ah oo ceebeysan)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegaysa inay maamul goboleedka Puntland ay ka danbeeyeen abaabulka mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ee xiisadda siyaasadeed ka dhaliyay magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo hoos ka waday arrintaasi.

Xogtu waxay intaas ku dareysaa in maalgelinta Mooshinka ay Puntland uga dan lahayd dagaal siyaasadeed ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xurguf siyaasadeed oo ka dhalatay dhismaha maamul Goboleedka Puntland ka dhex oogneyd, waxaana arrintan Puntland la waday xubno uu hormuud u yahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalle Cawad .

Xiriirka Mahad Cawad iyo Puntland ayaa dib ugu noqonaya Mooshinkii xil ka qaadista Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya C/weli Gaas oo labaduna ay difaacayeen kuna saaxiibeen, waxaana Guddoomiye ku xigeenka labaad uu caddeystay markaas kadib inuu ka horjeedo dhismaha maamulka Galmudug, isagoo ku sigtay inuu tago magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel si uu u taageero maamulka Ahlu suna, wuxuuna Puntland booqday muddooyinkaas in ka badan saddex jeer.

Kadib fashilka ku socda Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha ee ay soo abaabushay Puntland ayaa haddana mar kale Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka looga yeeray magaalada Gaalkacyo oo booqasho aan la ogeyn oo shaqsi ahaan u gaara uu shalay ku gaaray magaalada Gaalkacyo si ay uga tashadaan tallaabada xigta iyo qorshe cusub.

Isbaheysiga labada dhinac ayaa ku saabsan loolan dhinacyo kala duwan ah oo Puntland ku dooneyso inay ku naafeyso rajada uu Xasan Sheekh dib ugu soo laaban karo hogaanka dalka iyadoo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka uu yahay shaqsiga kaliya ee dhaqaajin kara rabitaanka Puntland iyadoo dhaqaale loo adeegsanayo.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad iyo xubno la socda ayaa sii tegay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaasoo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen madaxada Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shirre, Ku Xigeenkiisa, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Puntland ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo dhoweysay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka, kadibna waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo, halkaasoo kulan kale uu kula qaatay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddooyinkan danbe halkaas ku sugnaa.

Dhinaca kale Mahad Cawad, ayaa ka qaybgalay munaasabad uu Madaxweynaha Puntland ku daah furayey sanduuqa hormarinta Gobolka Mudug oo ka dhacday Magaalada Galkacyo.

Socdaalka Mahad Cawad ayaa imaanaya iyadoo xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland uu xun yahay isla markaana.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com