Xog: Villa Somalia oo xildhibaanada mooshinka wada u jeedisay hanjabaado cusub oo khatar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ee garabka Mooshinka wada ayaa walaac hor leh ka muujinaaya Hanjabaado ay u jeedisay Madaxtooyada Somalia.

Mid kamid ah Xildhibaanada oo ka gaabsaday magaciisa sababo la xiriira amaankiisa, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan uu sameystay xubno ka tirsan Madaxtooyada oo iyagu Hanjabaado u jeedinaayo Xildhibaanada isaga kasoo horjeeda.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan garabka Mooshinka wada loogu hanjabay in dusha laga saari doono kiisas fal danbiyeed ah sidaana lagu xiri doono, haddii ay faraha kala bixi waayan Mooshinka ay lugta kula jiraan.

‘’Madaxtooyadu xaq uma laha inay noogu goodiso Madaxweynaha hala xisaabtamina, Xassan Sheekh waa shaqsi dastuurkuna waxa uu dhigayaa in lala xisaabtami karo, anagu waxaan mas’uul ka nahay shacabka la xisaabtankuna uma joojin doono hanjabaad iyo wixii lamidka ah’’

‘’Waxaa nala soo xiriiray rag ka tirsan Madaxtooyada waliba saaxiib la ah Madaxweynaha waxa ayna noogu hanjabeen in kiisas dusha nalaga saari doono xasaanaduna nalaga qaadi doono’’

Xildhibaanka waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in sababta ay ula kulmayaan Hanjabaadaha ay tahay isla xisaabtanka oo la diidayo, waxa uuna wacad ku maray in dhacdo waliba ay la kulmaan aysan u hakin doonin Mooshinkooda.

Geesta kale, Xildhibaanka ayaa garabka lawadaaga Mooshinka ugu baaqay inay u diir naxaan dalka iyaga oo dhowraaya Mas’uuliyada ay qaaden islamarkaana aysan Mooshinka uga baqan wax waliba oo ay kala kulmaan dhanka Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com