Xog: DFS oo hubeyneysa Maxamed Cabdi Kaliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Xubno ka tirsan Wasaarada arrimaha Gudaha, ayaa sheegaya in wasaaradu ay dhaqaale adag ku bixineyso Gudoomiyihii Gobolka Gedo Maxamed Adbi Kaliil.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in imaanshiyihii Kaliil Magaalada Muqdisho uu kulamo la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Odawaa iyo Xubno ka tirsan Madaxtooyada Somalia si garab looga siiyo dib ugu laabashadiisi Gedo.

Madaxtooyada iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa Maxamed Adbi Kaliil u qoondeeyeen dhaqaale iyo Hub uu dib ugu soo ceshto Maamulka Gedo oo gacantiisa awood looga saaray.

DF ayaa Kaliil ku amartay in muddo kooban uu dib ula soo laabto gacan ku heynta Gobolka Gedo, waxa ayna ku dhiiri galiyeen in Dowladu ay aqoonsan tahay kaliya Maamulkiisa, waana tan keentay in DF ay ka hadli weyso soo musaafurintii Kaliil iyo duulaanka uu iminka ku yahay Maamulka Garbahaarey.

Kaliil oo iminka ku sugan Gedo ayaa waxa uu qoranayaa Ciidamo farabadan, isagoona dib usoo ceshtay qaar kamid ah Ciidamadii hore ee isaga ka amarqaadan jiray.

Sidoo kale, Dowlada ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada Militeriga ka jooga Gedo ku amartay inay la shaqeeyan Maxamed Adbi Kaliil si meesha looga saaro Maamulka gacan ku rimiska ah oo ay Gedo ka yagleelen Ethiopia iyo Axmed Madoobe.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili Hogaamiyaha is doortay ee Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Ethiopia ay wax kama jiraan ka dhigeen awooda DF Somalia sidaana ay ku dhisteen Maamul iyaga u hogaansan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com