Xog: 10 ka mid ah xildhibaanada mooshinka oo go’aan cusub ku dhowaaqay shalay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) –  In ka yar toban (10)  Xildhibaan oo ka mid ah Kuwii bishii hore Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay inay wadahadal u bedelayaan Mooshinkooda.

Xildhibaanadan ayaa kulankooda kasoo saaray go’aan ay ku muujinayaan inay ka laabteen Mooshinka, ayna bedelkeeda Diyaar u yihiin in Wadahadal laga galo, sidii xal looga gaari lahaa Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia.

Tiro aad u badan oo ah Xildhibaanadii ka gudbiyay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha oo la soo xiriiray Caasimadda Online ayaa u xaqiijiyay in lixda xildhibaan ee sheegay in aay ka mid ahaayeen kuwii gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha aaysan marnaba ka mid ahayn kudladaas, balse aay ka mid ahaayeen kuwa sheegay in aay gudbiyeen mooshin lagu laalayo mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweynaha.

Waxaa nasiib darro ah ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Cali in xildhibaanada qaarkood oo shilimaad ku bedeshaan sharaftooda si aay u jahwareeriyaan shacabka. Eedeymaha loo soo jeediyay Madaxweynaha haddii uu haaysto tiro ka badan 100 xildhibaan, muxuu u diidan yahay in mooshinka loo gudbiyo Maxkamadda sare, muu ogolaado iskuna difaaco tirada 100 kor u dhaaftay oo rabo in aay badbaadiyaan madaxweynaha, waa been aan raad lahayn mana haysto tiro intaa la eg,  ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa

War-saxaafadeed ay xildhibaannadan kulankooda kasoo saareen oo 12-qodob ka koobnaa ayay sheegeen inay qaateen baaqii Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia ee ku wajahnaa in Wadahadal lagu dhameeyo muranka Mooshinka laga keenay Maaxweynaha la xiriira.

Xildhibaan, C/llaahi Maxamed Aadan [Shaacir] oo ka mid ah xildhibaannadan ku kulmay Muqdisho ayaa kulankooda kaddib sheegay inay go’aankoodaan Qaateen kaddib markii ay tixgeliyeen baahida loo qabo dhameystirka dhismaha maamul-goboleedyada dalka, codsiga Guddoomiyaha Baarlamanka iyo weliba kan Beesha Caalamka ee ahaa in wadahadal lagu dhameeyo arrinta Mooshinkan ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale, xildhibaan Aamino Cumar oo Warabaahinta la hadaashay ayaa iyana sheegtay in Xildhibaannada Go’ankan qaatay ay intooda badan yihiin kuwii horay Mooshinka uga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo garowsaday xaalada dalku marayo.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu Horreysay oo Xildhibaanno ka tirsan kuwii Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya ay shaaciyaan inay go’aansadeen inay Mooshinkooda wadahadal u bedelaan. Inkastoo aanan la hubin in aay markii horeba ka tirsanaayeen.

xil1 xil2 xil3