Xog: Ilka-Xanaf oo safar degdeg ah ugu baxaya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilka xanaf ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu socdaal ugu ambabaxo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe.

Sargaal ka howlgala Xafiiska Gudoomiyaha ayaa Xaqiijiyay in Ilka Xanaf uu Magaalada Jowhar uga qeybgali doono Munaasabad la sheegay in loogu dabaal degayo sanad kadib Garsoorka Gobolkaasi.

Waxa uu sheegay in Gudoomiyuhu ay casuumen Saraakiisha Maxkamada Racfaanka, sidaana uu ku gaari doono Magaalada Jowhar.

Sheekh Axmed Xaaji Ibraahim ”Sayid” oo ah Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Maamulka ayaa isna xaqiijiyay in Munaasabadu ay ku marti galiyeen Mas’uuliyiin iyo Saraakiil farabadan oo ka tirsan DF Somalia, waxa uuna sheegay in Mas’uuliyiintaasi ay kasoo socdaali doonaan Magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa xoogeda waxaa ka qeybqaadan doona Taliyayaal, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin uu kamid yahay Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir iyo Marti sharaf kale.

Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan ee is jiid jiidka iyo muranada dadka lagu kala gar qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com