China oo ka jawaabtay mushaar la’aanta Amisom

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Shiinaha ayaa dhaqaalo ugu deeqday howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ee ka socda Soomaaliya, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay xarunta Midowga Africa.

Dhaqaalaha dowlada Shiinaha ugu deeqday howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagi sheegay inuu 1.2 Milyan oo doolar, si loogu taageero ciidamada kala duwan ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Warqadaha cadeynta dhaqaalaha ay ku deeqday dowlada Shiinaha ayaa waxaa lagu kala saxiixday xarunta midowga Africa ee Addis Ababa, waxaana dhanka midowga Africa u saxiixay gudoomiyaha gudiga amaanka iyo nabadgalyada, Ismaaciil Chergui halka dhanka Shiinaha uu u saxiixay  Kormeeraha Joogtada Shiinaha ee AU Kuang Weilin.

Ismaaciil Chergui, gudoomiyaha amaanka ee Midowga Africa oo ayaa u mahad celiyay dowlada Shiinaha oo uu sheegay iney dhaqaalo ugu deeqday marar badan midowga Africa gaar ahaan howlgalka ka socdo Soomaaliya.

Shiinaha ayaa sanadkii lasoo dhaafay 2014 ugu deeqday Midowga Africa 2 Milyan oo doolar si looga hortago cudurka Ebola oo xiligaasi ka taagnaa dalalka galbeedka Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com