25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

RAYAN CARGO oo adeeg cusub soo bandhigtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Wixii ka danbeyey sanadii 2000 waxaa siweyn wadanka holland ugu soo kordhaayey ganacsiga Soomaalida waxaana arinkaasi u riyaaqay dhamaan Soomaalida ku nool wadanka Holland,oo degan gobolada wadanka.

Shiikh  Cumar qaanso oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee wadanka Holland madaxna ka ah Shirkadda Rayan Cargo oo dadka u dhuufisa alaabaha ka la duwan ,ayaa waxaa u sheegay in ganacsiga Soomaalida wadanka holland uu hada noqday midsiweyn u kobcaya waxaana uu sheegay in taasi ay sabab u noqotay tirada Soomaalida oo kororotay .

Shiikh cumar oo dhawaan aas aasay shirkadda Rayan Cargo ,ayaa waxaa uu sheegay,  in shirkadiisa Rayan  Cargo in ay wax yaabo badan u fududeysay Soomaalida isagona sheegay in markii la sameyey shirkadaan ay durbaba bilowday in wax badan  oo loobahnaa ay Soomaalida u sameyso sida iyadoo qeymo wanaagsan ugu dhoofiso Alaabaha.

Shiikh cumar waxaa uu sheegay in shirkadda Muqtaqbalka dhow ay xafiisyo waaweyn ka furandoonto wadamo badan oo aduunka oo ay soomaalida u badantahay ,isagoona intaasi ku daray in shikada Rayaan Cargo ay meel kasto oo dunida ah ay wax geyso xiriirna weyna ay la ledahay shirkadaha wax dhoofiya ee caalamiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News