MADAALEoo go’aan cusub kasoo saaray canshuurta guryaha Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa gabi ahaanba joojiyey lacagihii canshuurta ahaa ee laga qaadi jiray guryaha ku yaalla magaalada caasimadda ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu canshuurta joojiyey isagoo raacaya dastuurka dalka iyo sharciga lagu dhisay degmooyinka ee nambarkisu yahay 6 ee soo baxay 12/02/1980 iyo sharciga canshuuraha guryaha ee nambarkiisu yahay 43, soona baxay 23/04/1977.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inuu arkay inay lagama maarmaan tahay in la nadaamiyo hannaanka qaadista canshuuraha guryaha Muqdisho.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 24/10/2022 guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho wuxuu go’aamiyey in la joojiyo dhammaan qaadista canshuuraha guryaha iyo daaraha gobolka Banaadir illaa laga gaari doono 31/12/2022 si loo nidaamiyo hannaanka canshuuraha gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaale.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri “waxaa la farayaa dhammaan mas’uuliyiinta ay arrintaan khuseyso inay fuliyaan amarkaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaale.

Amarka kasoo baxay guddoomiyaha ayaa yimid kadib cabasho badan oo ka timid shacabka Muqdisho iyo sidoo kale musuq maasuqa xooggan oo ka jiro habka loo qaado canshuurta guryaha.

Mas’uuliyiinta degmooyinka qaarkood ayaa shacabka ka qaaday lacag xitaa uusan ka war hayn maamulka, ayada oo lacagtaas marba magac cusub loo bixiyo ama qiil cusub loo yeelo.

Halkaan hoose ka daawo