Weriye caan ka ah DALKA PAKISTAN oo toogasho lagu dilay, magaalada NAIROBI

Nairobi (Caasimada Online) – Weriye caana ah oo u dhashay dalka Pakistan ayaa toogasho lagu dilay gudaha dalka Kenya, waxaa sidaas maanta sheegtay xaaskiisa, bilo un kadib markii uu kasoo cararay dalkiisa si uu uga baxsado in loo xiro eedeymo la xiriira rabsho kicin. 

Arshad Sharif ayaa si joogto ah u dhalleeceyn jiray militariga awoodda badan ee Pakistan, wuxuuna taageero u ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan, kaasi oo bishii April uu kalsoonida kala noqday baarlamanka.

“Waxaan maanta waayey saaxib, sey, iyo suxufigii aan ugu jeclaa, sida ay booliska sheegeen waxaa lagu toogtay Kenya,” waxaa sidaas twitter-ka ku qortay xaaskiisa Javeria Siddique. 

Booliska Kenya ayaa sheegay in la rasaaseeyey gaariga uu saarnaa Arshad kadib markii uu ku guuldarreystay inuu joogsado bar konotorool, meel u dhow magaalada Nairobi. Booliska ayaa sheegay inay baarayaan dhacdadan. 

Bishii August, Arshad ayaa wareystay siyaasiga sare ee mucaraadka ah ee Shahbaz Gill, kaasi oo sheegay in saraakiisha hoose ee ciidamada aysan qaadan amarrada ka hor imanaya “rabitaanka aqlabiyadda.”

Hadalladaas ayaa horseeday in taleefishinkii laga wareystay muddo kooban hawada laga saaro, islamarkaana waaran soo xiritaan loo jaro Sharif, oo dalka ka tegay. 

Kanaalka ARY ayaa mar dambe sheegay inuu “xiriirka u jaray” weriye Arshad. 

Gill ayaa la xiray kadib wareysiga — sidoo kale cambaareynta Khan ee ka dhanka ah nidaamka garsoorka ayaa hoggaamisay in isagana la xiro uuna kasoo muuqdo maxkamad.

Pakistan ayaa waxaa xukumayey militariga inta badan 75-ka sano ee taariikhdeeda, islamarkaana dhalleeceyn ka dhan ah saraakiisha ammaanka ayaa loo arkaa khad cas oo aan laga gudbi karin. 

“Weriye Arshad Sharif wuu shahiiday kadib markii lagu toogtay Kenya… booliska dalkaas ayaa baaraya,” waxaa sidaas lagu qoray twitter-ka ARY TV. 

Wasaaradda arrimaha dibedda Pakistan ayaa xaqiijisay dhimashada.

Pakistan ayaa kaalinta 157-aad kaga jirta 180 dal oo lagu qiimeeyey heerka xoriyadda saaxafadda, qiimeyntaas oo uu sameeyey ururka Suxufiyiinta aan Xuduudaha laheyn (Reporters without Borders).