BRITAIN oo yeelatay ra’iisul wasaare taariikh cusub dhigay

London (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Britain Rishi Sunak ayaa Isniinta maanta ah ku guuleystay hardankii loogu jiray hoggaanka xisbiga Conservative-ka Britain, wuxuuna noqonayaa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan caddaan aheyn.

Penny Mordaunt, oo aheyd qofka kaliya ee la loolamayey kadib markii uu tartanka ka haray Boris Johnson, ayaa ku guuldarreysatay inay hesho magacaabista 100 xildhibaan, oo lagama maarmaan aheyd.

“Rishi Sunak ayaa sidaas darteed loo doortay hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka,” waxaa sidaas yiri Graham Brady oo ah abaabulaha baarlamanka, ayada oo Mordaunt ay “taageero buuxda” u ballan-qaaday Sunak.

Guusha Sunak oo 42 jir ah ayaa timid kadib go’aankii uu Johnson Axaddii uga haray inuu sameeyo soo rogaal-celin siyaasadeed.

Toddobaadyo un kadib markii ay Liz Truss uga guuleysatay hoggaanka xisbiga Tory-ga, Sunak ayaa sameeyey isbeddel nasiib oo cajiib ah.

Sunak ayaa ahaa xildhibaanka kaliya ee helay wax ka badan taageerada 100 xildhibaan, taasi oo meesha ka saartay in la qabto codeyn lagu kala baxo. Wuxuu helay taageerada 200 oo xildhibaan, oo ah wax ka badan kala bar xildhibaanada Conservative-ka.

Sunak ayaa ah maal-qabeen Hindu ah oo waalidkiis ay kasoo jeedaan India iyo Bariga Afrika.

Guushiisa ayaa timid maalin dadka Hindu-ga ee caalamka ay u billaabatay shan maalin oo ah ciidda Diwali — oo ah dabaal deg loo sameeyo guusha wanaaga ka gaaray xumaanta.

Xubnaha xisbiga Tory-ga ayaa ku qasbanaaday inay qabtaan doorashadii hoggaan ee labaad muddo saddex bil gudaheed ah kadib markii ra’iisul wasaare Liz Truss ay ku dhowaaqday is-casilaad kadib kaliya 44 maalmood oo ay xilka haysay.

Truss — oo “taageeero buuxda” u ballan-qaaday Sunak — ayaa bishii September beddeshay Boris Johnson kadib markii xubno ka mid ah dowladdiisa oo uu hoggaaminayey Sunak ay gadoodeen isna casileen.

AFP, VOA