DF oo shaacisay guulihii 48 saac ee u dambeeyay laga gaaray dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacineyso guulihii 48 saac ee u dambeeyay laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo lagu gaarsiiyay jab xoogan kooxda.

War-saxaafadeedka oo ay soo saartay wasaarada warfaafinta ayaa waxa lagu sheegay in 48 saac ee u dambeeyay in Al-Shabaab laga laayay horjoogayaal iyo dagaalyahano ka tirsan, islamarkaana lagu burburiyey gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa.

“Howl-galladaan waxay ka dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe. Howl-galka 1-aad waxaa la fuliyay 22-kii October waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad, waxaa lagu dilay 21 argagixisada ka tirsan oo ay ku jiraan horjoogayaal uu ka mid ahaa Horjooge Cabdullaahi Cali Caraale,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in howl-galkii ugu xoogana uu dhacay xalay, laguna beegsaday Bur-Coloow oo fariisin weyn u aheyd argagixisada, halkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxda jabhada oo uu hogaaminayay Muscab Saneey iyo horjoogayaal kale oo qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada huwanta.

“Weerarada xalay dhacay midka Koowaad waxaa lagu beegsaday gaari weyn oo nuuciisu yahay biijii oo ay u saarneed rasaas iyo saanad ciidan oo argagixisado lahaayeen halkaas ayaana si guul ah loogu burburiyay gaarigaas iyo agabkii saarnaa.”

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in tirada dhimashada ee Al-Shabaab kasoo gaadhay howl-galadii u dambeeyay ay kor u dhaafayso boqol.

“Howl-galadaan waxaa suura-galiyay xog dhameystiran oo ay haysay hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamka oo aan uga mahadcelinayno taageeradooda. Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka maleeshiyada Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.”

Ugu dambeyntiina waxay dowladdu ugu baaqday dhalinyarada weli kusii jira kooxda Al-Shabaab inay isa-soo dhiibaan, si naftooda ay uga badbaadsadaan howl-galkaan wada-jirka ah ee lagu beegsaday kooxda.