Daawo: Xildhibaan Macalimuu oo xog cusub ka bixiyey saameynta qaraxii Jalalaqsi

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka hadlay khasaaraha weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo weerar is-miidaamin ah uu ka dhacay todobaadkii hore.

Macalimuu oo maanta gaaray degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in guryo badan uu dumiyey qaraxii ay Al-Shabaab doonayeen inay ku burburiyaan buundada degmadaas.

“Halkaan 30 qof ayaa ku dhimatay, 19 kale ayaa dhaawac ku noqotay qaraxaas, halkaan isbitaal fiican malaha, dadku waxay difaacanayeen buundada oo gaariga qaraxa ah loo waday, sidaas ayey dhibaatada isugu dhigeen,” ayuu yiri Macalimuu.

Xildhibaanka ayaa sheegay in qaraxaas ay buundadii loo waday ka badbaaday, balse uu burburiyey goobihii ganacsiga iyo guryihii ugu muhiimsanaa magaalada.

“Dadkaan cadowgoodii ayaa sidaan guryaha uga baabi’iyey, waxaan maamulka degmadaan ka codsanayaa in dadka aan beelo loo kala fiirin ee Shabaab loo midoobo, halkaas cadow ayaa dalkeenna ka jira,  Insha Allaah waa laga guuleysanayaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Macalimuu waxaa safarkaan uu ku tegay Jalalaqsi ku wehliyey Xildhibaan Caanoy waxayna degmadaas geeyeen gargaar ay sheegeen inay u qeybiyeen 400 oo qoys.

“Waxaan gargaar cunno ah soo gaarsinay 400 oo qoys oo dadka degmada Jalalaqsi oo colaad iyo abaaro ay isugu darsameen, waxaana ugu baaqayaa dowladda dhexe, HirShabeelle iyo hey’adaha gargaarka in dadkaan loo soo gurmado,” ayuu Macalimuu hadalkiisa ku soo daray.

Hoos ka daawo