Muqdisho (Caaasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan cadaadis xooggan kala kulmayo xubnaha mucaaradka iyo wakiilada beesha caalamka ayaa taageero wayn u helay qorshihiisa la xiriira doorashooyinka dalka.
Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa garab istaag buuxa u muujiyay Madaxweynaha, iyaga oo soo dhaweeyay ololihiisa ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan gudaha dalka Soomaaliya.
Dhaqanka oo bayaan culus soo saaray ayaa shacaka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb-galaan isdiiwaangelinta dadweynaha, si ay u codeeyaan doorashada soo socota.
“Odayaasha dhaqanka waxay bulshada ugu baaqayaan inay usoo baxayaan isdiiwaangelinta doorashooyina tooska ah, si u doortaan wakiilada iyo madaxdooda heer federaal,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaan ay si wadajir ah usoo saareen odayaasha dhaqanka ee shiray.
Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa soo dhaweeyay shirka uu ku baaqay Madaxweynaha ee lagu wado inuu beri ka dhaco magaalada Muqdisho, waxayna ugu baaqeen siyaasiyiinta mucaaradka inay gogosha tegaan oo ay wada-hadal la galaan Madaxweynaha dalka.
“Waxaan taageereynaa oo aan soo dhaweyneynaa shirka uu ku baaqay madaxweynaha waxaana leenahay dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka ah waxaa waajib ku ah inay taageeraan gogosha wadahadalka ee uu fidiyay Madaxweynaha, waxaan sidoo kale saamileyda siyaasadda ugu baaqeynaa inay tegaan shirka” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo madasha ka hadlay.
Dhankiisa Imaam Daahir Imaam Maxamuud oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka ay diyaar u yihiin inay qaataan kaalinta kaga aadan badbaadinta dalka.
“Waxaan leenahay tabashada aad qabtaan ka jeediya shirka, anaguna waa idin duceneynaa inaad ku heshiisaan gogosha haddii ay isku qaban weysana dhaqanka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo ha’isku yimaado go’aanna ha qaato” ayuu isaguna yiri Imaam Daahir.
Ugu dmabeyn odayaasha dhaqanka ayaa boggaadiyay guulaha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab ee ka socda dalka.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxad adag oo ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo gaaay meeshii ugu sarreeyay, waxaana la’isku hayaa hannaanka loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee 2026.