Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xaramka uga soo duceynaya Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa maanta Cimrada Bayta Alle ku gutay Masaajidka Xaramka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu doceeyay amni, nabad iyo horumar.

Madaxweynaha ayaa fadliga Cimrada awgeed Alle ka baryey in dalkeenna uu ka dulqaado argagixisada dhiig-miiratada ah ee ku been abuuranaya magaca diinteenna suubban ee Islaamka.

Madaxweynaha oo safar shaqo ku tegay dalka Sacuudiga ayaa horay u booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara.

Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni.

Boqorka Sacuudiga ayaa casuumay madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ka wadahadlayaan xiriirka labada, Sacuudiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka ganacsiga iyo masuuliyiin kale ayaa safarka Sacuudiga ku wehliya madaxweynaha.

Hoos ka daawo