Xog: Muxuu ka shaqeynayey sarkaalka Turkish-ka ee lagu dilay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xog cusub ka bixiyey sarkaal Turki ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho, xilli uu ku sugnaa duleedka caasimadda, kuna howlanaa caawinta qoysas Soomaalliyeed oo danyar ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qarax ku dishay samafalahaas gabaldhicii shalay oo Khamiis aheyd, isagoo caawinaya qoysas danyar ah oo ku nool deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ninka Turkiga ah ee la dilay uu lahaa hey’ad samafalka ka shaqeysa oo afurineysay dadka sooman ee aan awoodin inay cunno ku filan helaan, si gaar ah lacag nus Milyan doollar ah ayuu sheegay inuu u qorsheeyey dadka lagu dhex dilay shalay.

“Allaha u naxariisto muwaadinkii Turkiga ahaa ee isaga oo sooman, sadaqo qaybinaya ay argagexisadu dileen. Waxaa la ii sheegay in qorshaha hay’adiisu ahaa in ay labo boqol oo kun oo dadkeena danyarta ah u qaybiyaan min $20, taasoo ah lacag ku dhow nus malyuun doolar,” ayuu yiri CC Shakuur.

Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray “Alle aan u barino in uu muwaadinkaas naxariistiisa huwiyo, nagana qabto cadowga argagexisada ah ee dilay qof muslim ah, sooman, sadaqo dadkeena dhibaataysan u qaybinaya.”

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Türkiye Mudane Alper Aktaş uga tacsiyeeyay muwaadiniin Turki ah oo weerar gaadmo ah Khawaarijtu ku dileen iyaga oo ku jira hawlo bani’aantinnimo.

Wasiirka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda ayaa madaarka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan ku sagootiyay hawlwadeennadeeda dhaawaca iyo meydka u qaadayay dalka Turki.

Wasiirka ayaa Ilaahay uga barayay naxariistiisa janno shuhadada ku nafwaayay weerarka, caafimaad degdeg ahna ugu duceeyay dhaawaca.