Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh: “Hanti ma lihi”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay hantidiisa isaga oo shaaciyay in uusan laheyn daaro dhaadheer iyo hanti badan.

Xasan Sheekh, oo hadalkan jeediyey isaga oo la hadlayey ciidan Soomaaliyeed oo lagu tababarayo Turkiga, ayaa sheegay in uusan isku mashquuli jirin lacag urursi, wixii uu helana uu uga faa’iideyn jiray caruurtiisa iyo dhalinyarada qaraabada ah, si ay u dhameystirtaan waxbarashada heerarkeeda kala duwan.

“Maal-qabeen ma ihi, daaro badan ma lihi, wax badan oo la iga dhaxlo hada dhinto malihi. Maalina irsaaqada ciriiri igama galin, weli kama fikirin reerka maanta maxay cunayaan,” ayuu yiri.

“Ilaahay irsaaqada iguma dhibin laakiin maalqabeen ma ihi, aniguna maalka ma daneyn jirin haddii aan lacag helana inta xooga meel dhigto ayaa ilmaheyga wax ku baran jiray, ilmo kale oo qaraabada ah ama agoon deriska ah ayaa ku kaalmeyn jiray.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan guryo iyo apartment-yo ku laheyn dalalka dibada, gaar ahaan Turkiga iyo Kenya oo inta badan siyaasiyiinta Soomaalida iyo madaxdii hore ay ku leeyihiin.

“Aniga iyo waxa aan dhalay midna apartment kuma laha Istanbul iyo Nairobi, idinka oo og dad yar-yar oo dhaqaalahooda aad u yar yahay ay meel walba uga dhisan yihiin daaro iyo apartment-yo.”

Si kastaba, Inta badan madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaalida ayaa dalalka dibada ka iibsada guryo, iyaga oo qoyskoodana ugu nool yihiin dalka dibadiisa, islamarkaana usoo shaqo tagay dalkeena.