Daawo: Mahdi Guuleed oo markii u horreysay war kasoo saaray arrinta Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahadi Guuleed oo haatan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana shantii bilood ee la soo dhaafay ka maqnaa gudaha dalka ayaa ka hadlay arrinta ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mahdi Guuleed ayaa cambaareeyay tallaabadii milatari ee ay qaaday Somaliland, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in xoog iyo cudud loo adeegsado reer Laascaanood.

Sidoo kale wuxuu taageero u muujiyay dibad-baxayaasha ku sugan magaaladaasi, isaga oo tilmaamay inay cabirayeen dareenkoooda oo kaliya, si ay uga hadlaan dhibtooda.

“Ugu horreyn waxaan cambaareynayaa xoogga iyo cududa lagu isticmaalay shacabka biri mageydada ah ee aragtidooda cabiraayey ee reer Laascaanood” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Xildhibaan Mahadi Guuleed oo horay usoo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa farriin u diray labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay inay wadahadal ku dhameeyaan xiisadda.

“Waxaan soo jeedinayaa in si nabad ah wixii faraq ah ee jira Somaliland iyo reer Laascaanood ay ku dhammeystaan,” ayuu markale yiri Mahdi Guuleed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli ay taagan tahay xiisadda Laascaanood, waxaana maanta magaaladaas ka furmay shirweyne looga tashanayo aayaha magaaladaas.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku dhan Isimada dhaqanka ee gobolladaasi, waxaana la filayaa in ay go’aanno ka soo saaray arrinta magaalada Laascaanood.

Ismimada ayaa la filayaa in go’aan ka soo saaray xaaladda taagan iyo  sidii laga yeeli lahaa ciidanka Somaliland, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday.

Sidoo kale waxaa shirweynahan lagu falanqeyn doonaa sida laga yeelayo mustaqbalka saddexdaas gobol oo sanadihii la soo dhaafay hoostagayay Somaliland.