MADAALE oo shaaciyay arrin ay sameynayaaan ka dib weerarkii gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahne Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay casho sharaf ku maamusay Culimadii Soomaaliyeed ee ka qayb-gashaday shirweynihii Muqdisho ugu soo dhammaaday ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo si gaar ah uga hadlay amaanka.

Guddoomiye Madaale ayaa ugu horreyn ku boggaadiyay Culimada Soomaaliyeed go’aanada ay soo saareen ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday weerarkii xarunta gobolka Banaadir oo ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen todobaadkii hore.

“Waxaa moodaa meeshii ugu dambeysay ee is yiraahdeen qabsada ee burburiya ee dadkeedana xasuuqa inaan caawa fadhino waa Alle mahaddiis,” ayuu yiri Madaale.

Duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aysan cabsi gelin doonin weerarada Al-Shabaab, ayna sameyn doonaan wax kasta oo looga hortagayo abaabulka kooxda.

“Nimankii dhalinyarada ahaa halkan waa looga duceeyay, waana laga inkaaraym haddii uu Ilaalhey soo hanuuni rabana ilaahey ha u soo dadajiyo marka annagu nama badqin gelinayaan,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey Duqa magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka Muqdisho, isaga oo ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Weerarkii gobolka Banaadir oo saacado qaatay ayaa ku billowday qaraxyo is-miidaamin ahaa, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka mid ahaa shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada dowladda hoose ee Xamar.

Si kastaba, hadalkan ayaa kuso aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay culeys soo saartay caasimada, kadib markii lagu jebiyay inta badan howlgallada ka socdo gobollada dalka.