Sawirro: Shirweyne go’aan looga gaarayo arrinta SSC oo ka furmay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta gudaha magaaladaasi uu ka furmay shirweynaha Aayo-Katalinta gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku dhan Isimada dhaqanka ee gobolladaasi, waxaana la filayaa in ay go’aanno ka soo saaray arrinta magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxay ismimadu go’aamin doonaan sidii ciidanka Somaliland ay isaga bixi lahaayeen halkaasi, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday dilalkana ay kordheen.

Waxaa sidoo kale shirweynahan lagu falanqeyn doonaa sida laga yeelayo mustaqbalka saddexdaas gobol oo sanadihii la soo dhaafay hoostagayay Somaliland.

Arrimahan waxay ku soo aadayaan, maalmo ay xaalad adag ku jirtay Laascaanood oo rabshado ay gilgeleen, kadib markii ay isku dhaceen shacabka iyo ciidanka.

Kacdoonkan oo keenay in dhaqanka ay ku laabtaan magaalada, kana baxaan ciidamada Somaliland ayaa ka dhashay dilalka qorsheysan ee loo geysto haldoorka gobolka Sool.

Sidoo kale waxay shacabka careysan la wareegeen magaaladda oo dhan, kadib markii ciidamada deegaanka ay isku fidiyeen halkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa haatan laga war dhowrayaa natiijada ka soo baxda shireynahaha maanta ka furmay halkaasi.

Dhanka kale Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wada aaga Laascaanood waxayna ciidamadeeda hada ku sugan yihiin duleedka magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Somalia.