Sawirro: Nin Falastiini ah oo Qudus ka fuliyey weerar lagu laayey Israa’iiliyiin badan

Qudus (Caasimada Online) – Nin hubeysan oo Falastiini ah ayaa toddoba qof ku dilay banaanka kaniisad Yahuudda ay ku leeyihiin magaalada Qudus, isaga oo fuliyey mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee muddo lala beegsado Israa’iiliyiinta. 

Toogashada ayaa timid maalin kadib markii xiisadda Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay sii xumaatay, ayada oo ciidamada Israa’iil ay sagaal qof ku dileen weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed, halka Falastiiniyiinta ay gantaallo kasoo tureen Gaza.

Madaxa booliska Israa’iil Kobi Shabtai ayaa weerarka ugu yeeray “mid ka mid weeraradii ugu xumaa ee aan sanadahan la kulanno.” Wuxuu yimid maalin ay Yahuuddu xusayeen xasuuqii Holocaust ee dagaalkii labaad ee adduunka.

Booliska aya asheegay in “qiyaastii 8:15 pm uu nin hubeysan yimid aagga waddada Neve Yaakov ee magaalada Qudus kadibna uu billaabay inuu toogto dad goobta ku sugnaa.”

“Weerarka argagixiso ayaa dhaliyey dhimashada toddoba qof iyo dhaawaca saddex kale,” ayey yiraahdeen booliska.

Waxa ay intaas ku dareen in ninka weerarka fuliyey uu goobta ka cararay, balse durba la daba-galay, ugu dambeynna la toogtay kadib rasaas ay is-weydaarsadeen booliska. 

Booliska ayaa ku sheegay dableyga inuu ahaa Falastiini degan Bariga Qudus, oo Israa’iil ay ka goosatay Falastiin kadib Dagaalkii Lixda Maalmood ee 1967-kii.

Rabshadaha sare usii kacaya ayaa yimid bil kadib markii dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo Benjamin Netanyahu ay la wareegtay awoodda Israel.

Netanyahu iyo wasiirkiisa xagjirka midigta-fog ah ee Itamar Ben-Gvir ayaa goobta booqday isla habeenkii Jimcaha, ayada oo dadweyne ay ku qeylinayeen “Carabtu ha dhintaan.”

Netanyahu ayaa sheegay in golihiisa wasiirada amniga ay kulmi doonana dhowaan, kuna dhowaaqi doonaan “tallaabooyin deg deg ah” oo jawaab ah.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo saaray bayaan lagu sheegay in madaxweyne Biden uu cambaareeyey weerarka, kuna amray kooxdiisa amniga qaranka inay caawimaad u yaboohaan dhiggooda Israel.