Daawo: Marwada Qaranka oo isbitaalka xoogga gargaar ugu geysay ciidanka dhaawaca ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Sahra Cumar Xasan iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gargaar gaarsiiyey ciidanka ku soo dhaawacmay furimaha dagaalka ee lagu dabiibayo isbitaalka ciidanka xoogga dalka.

Dhamaan ciidankii ku soo dhaawacmay dagalada ka socda gobollada dalka oo isugu jira Macwiisley iyo askarta dowladda ayaa la isugu keenay isbitaalka ciidanka xoogga dalka ee Muqdisho, si ay u helaan dayeel caafimaad oo ku filan.

Marwada Madaxweynaha Maamo Sahro, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin, wasiirka haweenka Khadiija Diiriye iyo wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Cabdifitaax Qaasin ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyey dhaawacyada ku jira isbitaalka xoogga dalka.

Marwo Sahra Cumar oo isbitaalka kula hadashay warbaahinta ayaa ciidanka dhaawacyada qaba u balan qaaday garab istaag joogto ah, sidoo kale waxay dowladda ka codsatay in hoos loo sii eego baahiyaha dhanka reeraha ah ee ciidanku ay dareemayaan.

“Raashinkaan aan maanta idiin keenay waxaa keentay hey’adda maareynta mudiibooyinka qaranka, wixii idinka dhimana waan soo dhameystiri doonaa, wixii Hooyo ku filan tahay idinka hagra meyno,” ayey tiri Maamo Sahra Cumar.

guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo iyaduna warbaahinta la hadashay ayaa carabka ku adkeysay in ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka ee dhaawacooda isbitaalkaan la wada keenay ay isku xuquuq yihiin.

“Ciidamadu waa isku mid dowladda waxaan ka codsanaa in macawiisley qoysaskoodii si gaar ah loo ogaado, waa ciidankii bilaabay halganka dalka ka socda,” ayey tiri guddoomiye Sacdiya Yaasiin Samatar.

Hoos ka daawo