26.6 C
Mogadishu
Saturday, March 14, 2026

DAAWO: Maxaa Cumar Shooli Original iyo Cumar Shooli Copy kala qabsaday?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Maalmahan waxaa bogagga bulshada ee Soomaalidu ay isticmaasho ku badnaa hadal heynta hees cusub oo uu sameeyay fanaan da’yar oo la yiraahdo Cumar Cismaan Macaane (Cumar Shooli) oo deggan dalka Mareykanka.

Heestaasi oo ay la jileyso gabar Soomaaliyeed waxaa iyada oo muuqaal ah la soo geliyay bogga Youtube.

Waxaa markii ay daawadeen ka qayliyay muuqaalka heesta, dad badan oo Soomaali ah oo aan jecleysan gabadha oo meelo jirkeeda ama cawradeeda ah banaanka soo dhigeysa isla markaana ay isku dhag dhegayaan oo ay is shuminayaan heesaaga Cumar Shooli.

Haddaba fanaanka Cumar Cabdulle Shooli oo ah Madaalihii Hoballada Waaberi, ayaa sheegaya in fanaankan cusub uu ku cayaaray sumacadda magaciisa oo isaga lagu yiqiin.

Haddaba Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa wareystay labada fanaan Cumar Shooliga yar iyo kan weyn labaduba iyaga oo kala jooga magaalooyinka Addis Ababa iyo Minneapolis.

Halkan ka daawo waraysiga labada fanaan iyo BBC

- Advertisement -

Read more

Local News