Mucjiso: Arag sawirrada liin uu magaca Alle ku dul qoran oo Jabuuti lagu arkay

Djibouti (Caasimada Online) – Awoodda Ilaah ayaa ah mid ka weyn wax walba waxeyna tani ina tuseysaa in Allah uu awoodo mucjiso kasta.

Hadaba nin reer Jabuuti ah oo lagu magacaabo Maxmaed Rooble Saciid (Maalin Gaboobe) ayaa saakay waxuu arkay mucjiso kadib markuu wiil uu waalid u yahay suuqa uga soo iibiyay liin ay ku qoran tahay magaca Allaah oo afka carabiga ku qoran, taasoo markuu is yiri qalo liin dhanaanta uu ka aqriyay.

Waxaana uu mucjisadii markiiba soo gaarsiiyay raadiyaha iyo taleefishinka Jabuuti ee RTD taasoo ku shaacisay dunida.

Arrintan ayaa aad loo hadal hayay maanta oo dhan waxaana ay RTD sawiro ka qaadday liintii oo ay si fasiix ah ugu dul qoran ama sawiran tahay summadda Allaah ee afka carabiga ah.

liin1liin2