Daawo: Maxaa ka jira in Prof Samatar uu BF isaga casilay xilka loo dhiibay Roobow?

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay war laga faafiyey maalmihii lasoo dhaafay, kaas oo sheegayey inuu iska casilay xubinimada Aqalka Sare.

Senator Cabdi Ismaaciil ayaa been abuur ku tilmaamay qoraalkaas oo lagu baahiyey ciwaan Facebook oo magaciisa loo isticmaalay, kaas oo sheegayey “inuu iska casilay xubinimadii Aqalka Sare, kadib markii wasiirka Diinta loo magacaabay Mukhtaar Roobow.”

Senatorka ayaa cadeeyey in baraha bulshada ee Internetka uusan isticmaalin, sidoo kalena uu maalmihii laga faafiyey warkaas ku mashquulsanaa qormada buug, xogo badan xambaarsan ka hadlaya xaaladda Soomaaliya, kaas oo uu ugu magac daray “Xeyn-daabeynta Soomaaliyeed.”

Sidoo kale Professor-ka oo u waramay TV-ga Universal ayaa sheegay in dadka ka sameeyey been abuurkaas ay sabab uga dhigeen magacaabidda Wasiir Mukhtaar Roobow, isagoo cadeeyey mowqifka uu ka taagan yahay magacaabidda Sheekh Mukhtaar ee wasaaradda Diinta.

Senator-ka ayaa Mukhtaar Roobow ku tilmaamay nin geesi ah oo wax ceeb ah uusan u heyn in xilkaas loo dhiibo, isagoo ka sheekeeyey inta uu ka yaqaano iyo waayihii uu bartay Mukhtaar Roobow.

“Sanadkii 2006-dii ayaan Sheekh Mukhtaar kula kulmay magaalada Muqdisho, waxaan ka wadahadleynay sidii hoggaamiye kooxeedyada looga saari lahaa magaalada, Mukhtaar waa nin geesi ah, wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee maxaakiimta oo baqeysa ku dhawaaqay in dadkii Muqdisho ka qaxay ay guryahooda ku soo laabtaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee Baydhaba laga soo xiray Sheekh Mukhtaar lagu kacay “Jariimo umadeed, marka wax xun oo aan ka sheego wasiirnimada Roobowna ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.

Hoos ka daawo