Seddax go’aan midkood oo Maxkamadda Sare ee Kenya ka qaadan karto natiijada doorashada madaxweyne

Nairobi (Caasimada Online) – Shan maalmood ayaa u hartay si ay maxkamadda sare ee dalka Kenya uu doodiisa ugu gudbiyo xisbiga hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga oo waxaba kama jiraan ku tilmaamay doorashadii looga guuleystay ee madaxtnimada dalkaas.

Todoba maalmood ayuu dacwadiisa ku gudbi karaa murashaxii dood ka qaba natiijada doorashada, si mxkamadda dastuuriga ah ay go’aan muranka, wuxuuna hadda Raila Odinga ka baaraan degayaa wadooyinka sharciga ah ee u furan, si uu meesha uga saaro natiijada doorashadaan uu ku guuleystay William Ruto.

Hadii shanta maalmood uusan Raila Odinga dacwo ku gudbin, waxaa khasab ah in William Ruto loo dhaariyo xukunka dalka, si xukuumadiisa uu u soo dhiso.

Hadaba aan eegno seddax go’aan oo midkood laga filan karo Maxkamadda:

Maxkamadda sare ee Kenya oo kaliya ayaa wax ka bedali karta natiijada doorashada oo Isniintii la shaaciyey, todoba garsoore ayaa fadhisa maxkmaadaas, 14 maalmood ayey u baaha doonaan si go’aan kama dambeys ah ay uga gaaraan khilaafka doorashada Kenya.

1 – Haddii ay sax noqoto dooda garabka Raila Odinga waxaa sharci noqonaysa in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorashada, waxayna shacabka Kenya mar kale cod u qaadi doonaan musharaxiinta madaxweynaha.

2 – In maxkamaddu ay cambaarayso guddiga doorashada, balse ay caddeymo ku filan u wayso in codeynta lagu celiyo.

Taas waxay ka dhigan tahay in natiijada ay sideeda ahaan doonto, oo madaxweyne William Ruto xilka loo dhaariyo.

3 – In maxkamaddu ay si buuxda u taageerto natiijadii lagu dhawaaqay, amarna ku bixiso in madaxweynaha cusub uu yahay William Ruto, iyadoo go’aankaas uu meesha ka saari doono sheegashada Raila Odinga ee ah in doorashada lagu shubtay.

Inta aysan maxkamaddu soo saarin seddaxdaas go’aan mid waxaa khasab ah, hadii dacwad loo gudbiyo in garsooreyaashu ay dib u eegis ku sameeyaan natiijada, sida in codadkii dadweynaha dib loo tiriyo.

Waxaa xusid mudan in guddiga doorashooyinka Kenya oo todoba xubnood ka kooban afar ka mid ah ay cadeeyeen in aysan ku qanacsanayn natiijada la shaaciyey ee doorashadaan uu ku soo baxay William Ruto.