Daawo: Maxay salka ku heysaa dooda dheeraatay ee miisaaniyadda dowladda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay socotay dood ku saabsan akhrinta miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka, waxaana muuqata inay daba dheeraatay doodaan.

Wasiirka maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay hor tegay fadhiyo wadajir ah oo labada aqal ee baarlamaanka ay su’aalo ku weydiiyeen.

Wasiir Beyle ayaa wajahay su’aalo adag oo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga imaanayey xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka.

Arrinta ugu weyn ee lagu heysto wasiirka maaliyadda waa xisaab xir la’aan jirtay tan iyo sanadkii 2018-kii iyo in wasiirku uu kala cadey la’yahay in deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale.

Wasiir Beyle oo wajahay su’aalo badan ayaa muujiyey is difaac, waxaana su’aalaha ku soo noq-nqoday ka mid ahaa mashaariicda laga hir-geliyo gobollada dalka iyo hanaanka loo qeybiyo oo saluug ay ka muujiyeen xildhibaano badan.

Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo ahaa xoghayihii guddiga maaliyadda ee baarlamaankii 10-aad ayaa sheegay in aysan suurta-gal ajeyn in la ansixiyo miisaaniyadaan, iyadoo aan la cadeyn sababta baarlamaanka loo hor keeni waayey xisaab xirka miisaaniyadda 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Senator Cabdixakiin oo wareysi arrintaan ku saabsan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa sidoo kale wax laga weydiiyey sawir aad ugu baahay baraha bulshada oo muujinaya xildhibaanada oo si isku mid ah dhafoorada u heysta, wuxuuna ku macneeyey in mowduuca laga hadlaayey ee miisaaniyadda uu yahay mid xasaasi ah.

Hoos ka daawo