Maxay tahay sababta ay xildhibaanada uga baaqdeen kulankii BF ee maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibnaan Cumar Shariif Jeeg oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta u warramay wariyeyaasha ayaa ka hadlay sababaha keenay baaqashada kulankii Golaha oo kooram la’aan dartiis lasoo xiray.

Jeeg ayaa shaaca ka qaaday in arrin amni darteed ay u imaan waayeen xildhibaanada ka baaqday kulanka, wuxuuna sababta ku sheegay in xildhibaanada loo ogolaaday hal waddo inay kasoo galaan xarunta, taas oo uu tilmaamay inay shaki ku beertay xubnaha maqab.

“Saaka waxaa jirtay hal shey oo aan la fahamsaneyn, sababtoo ah waddooyinka waad ogtihiin hal wadaa saaka laga soo galaayey waddada Ceel Gaab ayey aheyd, marka waxaa xildhibaanada Soomaaliyeed shaki galiyay halkaas waddo ” ayuu yiri Cumar Shariif Jeeg.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xaalad amni oo adag ay haatan ku shaqeeyaan xildhibaanadu, isla-markaana ay qabaan cabsi la xiriirto amnigooda.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray hay’adaha amniga dowladda, isaga oo ka codsaday inay wax ka qabtaan ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka codsaneynaa hay’adaha amniga inay ka fakiraan amniga, dibna loo soo celiyo nabad-gelyada caasimada, markaas ayey xildhibaanada subax soo kasto so xaadiri karaan, laakiin subaxii markaa gurigaaga kasoo baxaysid adiga oo ku jiro ilaahow iso celi dhib waayey cabsidaas ayaa jirto” ayuu markale  hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanku.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xildhibaanada ay daacad u yihiin shaqaooda, balse laga gaabiyay amnigooda, sida uu markale ku dooday xildhibaan Shariif Jeeg.

“Aniga ma aaminsani in xildhibaanada ay marnaba shaqadooda gudan waayeen, laakiin waxaa shaqo laga dhex gudan karaa waddan amni ka jiro iyo xasilooni,” ayuu sii yiri.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo isna goor sii horreysay hadal ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin u diray xildhibaanada ka maqan kulamada golaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in maqnaashiyaha xildhibaanada ay cuuryaamineyso shaqada Bartalamaanka, isaga oo ugu baaqay inay ka waantoobaan.

“Sidaan haddii uu kusii socdo Baarlamaanka ma shaqeyn karno. Xildhibaanada waxaan u sheegayaa inay ka waantoobaan inay ka maqnaadaan shaqada. Ma’aha in sharciga innoo yaallo lagu ciyaaro, waxaana dirayaan farriintii u dambeysay,” ayuu yiri Sheekh Aadan.