Daawo: Maxay Wasiir Xaniifa ka tiri ‘bahdilkii’ shalay lagu sameeyey SHARIIF XASAN?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaniifa Xaabsade) ayaa si adag uga hadashay is hortaagii shalay lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo rabay inuu ka duulo garoonka Muqdisho.

Shariif Xasan ayaa ku wajahna magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, maadama uu kamid ahaa musharraxiinta u tartameysa mid kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee yaalla maamulka Koonfur Galbeed.

Safarka laga hor istaagay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa ka dambeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed sida uu sheegay Shariif, taasi oo sidoo kale ay si adag uga hortimid Xaniifa Xaabsade.

Xaniifa ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in Shariif Xasan laga hor istaago in uu beeshiisa kasoo raadsado cod, islamarkaana aan loo baahneyn in markale dadka reer Koonfur Galbeed indhaha ka saabtan dhaqanada foosha xun ee ku kacay maamulka Lafta-Gareen.

“Waxaa aad uga xumahay in maanta aan marqaati ka nahay hab-dhaqanka aadka u foosha xun ee lagula kacay madaxweynihii maamulka (Shariif) runtii muhiimadu ma aheyn in kursiga uu soo helo ee muhiimadu waa in deegaankiisa uu tago oo cod ka raadsado,” ayey tiri.

“Dhaqamada aan ka aamunsahay reer Koonfur Galbeed waa kuwa soo jireen noqon doona oo taariikhda noo-gali doono. Shalay Guddoomiye Jawaari ayey aheyd maantana madaxweyne Shariif, qof ka mudan oo la ixtiraami lahaa majiro.”

Sidoo kale waxay sheegtay in dad badan oo kale oo Haldoor ahaa laga hor istaagay inay metelaan deegaanadooda, meeshana la saartay dad aan ka shaqeynayn danta deegaanada kuraasta leh.

“Madaxweyne Cabdicasiis waa ka xunahay waxa sameynayso, waxaa ka rajeynaya in aad sixi doonto, haddii aad sixi weysana dhalinyarada ka dambeysa ee wadada u furtay (ka filo). Sideed bilood ayaa ku dhiman ee ka tag meesha ku noolan laheyd oo waji ka tag.”

Xaniifa ayaa ugu dambeyntiina sheegtay in haddii la isku ixtiraami waayo dowladnimada iyo nidaamka in maamulka Koonfur Galbeed uu taariikhda Soomaaliya ka gali doonaan meel aad u xun.