Daawo: Maxkamada ciidamada, taliska booliska iyo maamulka Kaaraan oo digniin soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya oo caawa warbaahinta kula hadlay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa digniin culus kasoo saaray falal aanooyin qabiil salka ku haya oo Kaaraan ka dhacay.

Saraakiishaan ayaa sheegay in hey’adaha amnigu ay u diyaarsan yihiin in falal la xariira aanooyin qabiil aysan ka dhicin gudaha Muqdisho, iyagoo digniin culus u diray cid kasta oo isku dayda inay amni darro abuurto.

“Hay’adaha amniga waxaan faraynaa in baaris qoto dheer ay ku sameyaan cid kasta oo arinta ka dhacday Kaaraan ku lug leheed, si loo maxkamadeeyo,” ayuu yiri Dhamme Ismaciil Salaad ku xigeenka xeer ilaaliyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa isna yiri, “Bulshada ku dhaqan Kaaraan waxan kaga digeynaa falalka aanooyinka qabiilka la xiriira, cidii lagu arkana waa lagu maxkamadey doonaa.”

Gabar aroos aheyd ayaa saacado ka hor lagu dilay degmada Kaaraan, xili ay ka soo baxday goob dumarka lagu qurxiyo, dhacdadaas ayaa naxdin ku abuurtay dad badan, sidoo kale horay degamadaas waxaa uga dhacay dilal isugu jira kuwo tuugo geystay iyo kuwo aanooyin qabiil salka ku haya.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir oo ka mid ahaa masuuliyiintii caawa warbaahinta la hadashay ayaa dadkiisa ka codsaday inay ka soo gudbaan wixii soo bilowday 91-dii oo aanooyinka qabiilka uu kala jeedo.

Hoos ka daawo