R/W Xamza oo fasiraad cajiib ah ka bixiyay qorshaha ay kooxda Al-Shabaab waddo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay qorshaha Al-Shabaab ee isku dirka beelaha inta dagaalka lagula jiro si ay u marin habaabiyaan dib u xorreynta socota.

Xamza ayaa sheegay in dagaalka ciidamada qalabka sida ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab uu xanuujiyey, ayna sii wadayaan inta laga xoreynayo deegaanada ay gacanta ku hayaan.

“Marka dagaal lagu jiro cadowga waa la xanuujiyaa, markuu xanuusado waxaa lagu gartaa jawaabta uu bixiyo oo jawaabtiisu haddii ay noqoto mid naf la caari ah, micnaheedu waa cadowgu wuu dhintee haka harinna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaya maalin kadib markii afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere uu digniin u diray beelaha dagaalka kula jira kooxda, isagoo sheegay inay jiraan qabiilo garab u noqday waxa uu ugu yeeray “gaalada”.

Kooxda ayaa sidoo kale qirtay in dowladda Soomaaliya ay qabaa’ilka ku hubeysay, wuxuuna afhayeenka u hadlay kooxdaas qabaa’ilka la dagaalamaya ku tilmaamay “kuwii isbaarooyinka dhiga jiray” sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Qabaa’ilkaas waxaan leeyahay waxaa la doonayaa in dano gaar ah la idinku gaaro, kadibna meel cidlo ah la idinkaga tago, idinkoo halaagsamay,” ayuu yiri Cali Dheere.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya xili ay Al-Shabaab ku socdaan dagaalo culus, ayada oo howl-galada ka dhanka ah ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo qaar kamid ah qabaa’ilada, kuwaasi oo u adkeysan waayay dhibta ay kooxda ku hayso shacabka Soomaaliyeed.