DF oo war ka soo saartay khasaaraha dagaal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgalka ka socda gobolka Hiiraan, gaar ahaan dhinaca degaanka Halgan, halkaas oo maanta lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ay baahisay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu yiri, “Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 5-aad ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanka Buuraha Camal oo qiyaastii 20km u jirta degaanka Halgan ee gobalka Hiiraan waxay ku dileen shan dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka Xoogga oo ku raad joogay firxadka maleeshiyaadka nafla caariga ah ee Alshabaab oo looga soo adkaaday dagaaladii ka dhacay gobalka oo ay iska kaashanayeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee lagu xoreeyay deegaano badan ayaa sameeyay hawlgalkani si loo ciribtiro dhagar qabayaasha baxsadka ah ee lagu jabiyay dagaalka.”

Sidoo kale bayaankaan waxaa lagu cadeeyey in howlagallada lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab ay weli ka socdaan goobo badan, iyadoo laga hor tegayo in kooxdu ay hesho goobo ay dib isugu soo abaabusho.

“Ma jirto waddo aan ahayn inay isi soo dhiibaan oo u furan dhalinyarada ay argagixisadu qaldeen, Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto cadowga arxanka darran ee  Alshabaab,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka dowladda.