Daawo: Maydka AJAKIS oo maanta dib loo soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka taagan xaalad murugo leh, taas oo kasoo korortay qabuuraha Iskuul Buluusiya.

Wararka ayaa sheegaya inuu soo baxay amar la sheegay in la siiyay ehellada ay dadkooda ku aasan yihiin qabuurahaasi oo bilaabay inay la baxaan maydadka.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in dhulka ay ku yaallaan qabuuraha lagu wareejiyay Bulukeeti, taasoo kordhisay walaaca ay qabaan ehellada iyo dadka deegaanka.

Maydadka la bixiyay waxaa ku jira Allaha U naxariistee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo sanadkii 2021-kii lagu aasay qabuurahan, kadib xanuun kusoo booday.

Ehellada Ajakis iyo qaar kamid ah asaxaabitiisa ayaa tegay qabiriga, kadibna soo saaray maydkiisa oo lagu aasi doono meel kale.

Wiil uu dhalay marxuumka oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa sheegay inuu soo gaaray warka ku saabsan qabuuraha, sidaasna ay kusoo saareen maydka Aabahood.

“Annaga oo soo booqanay Aabe ayaa maalin dhexdaas imaanay qabuuraha, waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan in la baxsanaayo, sidaas aawgeed waxaan go’aansanay inaan maanta Aabe ka bixino oo gayno meel kale” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan gayn doonaa meel kale oo amaan ah oo aan ku booqan karno, waligiisna aan laga bixin doonin”.

Ma’ahan dhacdadan wax ku cusub magaalada Muqdisho, waxayna ahayd dhowaan markii arrintan oo kale ay ka dhacday qabuuraha Macallin Nuur oo iyana ku yaalla Garasbaaley.