Maxaa ka jira in la damciyay qabuuraha Iskuul Buluusiyo oo maydadkii laga soo saaray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay amar la sheegay in laga soo saaray qabuuraha Iskuul Buluusiya, kaas oo dhaliyay in qaar kamid ah maydadkii ku jiray qabuurahaasi maanta ay dib usoo saaraan ehelladdooda.

Maydadka lasoo saaray waxaa ku jiray Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo kamid ahaa majaajilistayaasha caanka ah ee Soomaaliyeed, kaas oo geeriyooday 2021-kii.

Wiil uu dhalay marxuumka oo lagu magacaabo Maxamed Jaceelow ayaa sheegay inay ka war heleen amarkaas oo lagu sheegay in qabuuraha lagu burburinayo, kadibna ay sidaas kula soo baxeen maydka Aabahood, isaga oo sheegay inay ku aasi doonaan meel kale.

“Annaga oo soo booqanay Aabe ayaa maalin dhexdaas imaanay qabuuraha, waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan in la baxsanaayo, sidaas aawgeed waxaan go’aansanay inaan maanta Aabe ka bixino oo gayno meel kale” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan gayn doonaa meel kale oo amaan ah oo aan ku booqan karno, waligiisna aan laga bixin doonin”.

Dhinaca kale waxaa arrintan ka hadlay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo beeniyay in la amray in maydadka laga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Cali Yare oo sheegay inuu baaritaan sameeyay ayaa waxa ku sheegay inuu ku ogaaday in aan la dacaamin dhulka qabuuraha ee Iskuul Buluusiya, sida uu hadalka u dhigay.

“Baaritaan kooban oo aan ku sameeyay arrinta qabuuraha iskuul buluusiyo waxaan xaqiiqsaday inuu yahay BEENABUUR oo aanay jirin cid damaaciday qabuuraha ama amartay in meeydadka laga saaro toona. laakiin qoyska Marxuum Ajakis ay iyagu si iskood ah ula baxeen. Dadka aan la xariiray waxaa kamid ah isla qoyska” ayuu yiri Cali Yari.

Waxaa kale oo uu yiri  “Isla sidaan oo kale waxaa sannadkii 2019 meydad lagala baxay qabuuraha qaranka markii la sheegay in dowladdu iibsatay taas oo iyaduna aheyd BEENABUUR kale. Qoysaskii maalinkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa qoysaska Marxuum Abdullahi Ciise iyo Maxruum Abdirashiid Cali Sharmaake”.

Ma’ahan dhacdadan wax ku cusub magaalada Muqdisho, waxayna ahayd dhowaan markii arrintan oo kale ay ka dhacday qabuuraha Macallin Nuur oo iyana ku yaalla Garasbaaley.