Somaliland oo ka laabatay qoraal yaab leh oo ay horey u soo saartay – Maxaa isbedelay?

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska ciidanka milariga Somaliland oo war cusub soo saaray ayaa ka laabtay qoraal dhowaan lagu baahiyay boggooda Facebook-ga kaasi oo lagu cambaareeyay xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo waddamada Reer Galbeedka.

Shir jaraa’iid oo uu maanta qabtay afhayeenka millateriga Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Cabdi-Dheere) ayaa waxa uu ku sheegay in qoraalkaasi aanu ahayn mid rasmi ah oo ay ogaayeen saraakiisha sar sare ee ciidanka milatariga, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdi-Dheere oo jawaab waafi ah ka bixiyay warqaddaasi ayaa caddeeyay in aanay kasoo bixin xafiiska taliyaha guud oo markii hore la sheegay inay kasoo baxday.

“Waxaanu jawaab waafi ah ka bixinaynaa warqada ka hadlaysay waxyaabah faraha badan leh, ee dowladaha faraha badan leh lagu duray, xisbiyada qaranka JSL qaarkood lagu duray, warqadaas kamay bixin xafiiska taliyaha ciidanka qaranka ee ay ku suntan tahay” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in waxa ku qoran aysan ka tarjumeyn ciidanka, balse uu daabacay shaqsi gaar ah oo ka tirsan ciidanka Somaliland, kaas oo uu xusay in tallaabo adag laga qaaday, maadaama uu ka hadlay xiriirka Somaliland iyo arrimaha dibadda.

Afhayeenka ayaa sidoo kale raalligelin ka bixiyay qoraalkaasi, wuxuuna sheegay in ciidanka uu u siman yahay xisbiyada kala duwan, kana hadlin karin siyaasadda dibadda.

“Warqadaasi cidkasta oo ay gaadhay waanu ka raaligalinaynaa, si buuxda ayaanu uga raaligalinaynaa, warqad rasmi ah oo xafiiska taliyaha ka baxdayna maaha sinaba” ayuu sii raaiyay Cabdi-Dheere.

Qoraalka hore ee uu talisku beeniyay ayaa lagu sheegay haddii mucaaradka ku guuleystaan doorashada in aanay la shaqeyn doonin, ayna xiriirka u jari doonaa waddamada Reer Galbeedka, kadibna ay iskaashi toos ah la yeelan doonaa dalalka Shiinaha iyo Ruushka.

Dad badan oo ka falceliyay arrintan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadallada is burinaya ee kasoo baxay taliska ciidamada milatariga ee maamulka Somaliland.