Daawo: BOOLISKA oo war culus kasoo saaray arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa soo farogeliyay xiisadda ka dhalatay dhulka qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho, taas oo ka dhalatay markii laga saaray halkaasi qaar kamid ah maydadka.

Afhayeenka booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay inuu jiro amar kasoo baxay taliska oo lagu burburinayo qabuurahaasi, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay.

“In maydadka laga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya ma’ahan mid jirto arrintaas, amar kasoo baxay talisyadana ma jiro” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay darbiga lagu wareejinayo qabuuraha, isaga oo xusay in ujeedka uu yahay in lala socdo dhaq-dhaqaaqa qabuuraha iyo cid kasta oo lagu aasayo.

Beriyahan waxaa soo kordhay in qof la dilo, haddana la duugo, si looga hortago arrintaasn ayuu booliska soo kordhiyay siyaasaddan cusub” ayuu mar kale yiri afhayeenku

Dhinaca kale waxa uu afhayeenku sheegay in dadka Soomaaliyeed ay xor u yihiin inay la baxayaan maydadka ehelladooda, hadii ay heli karaan meel ay iyagu la jecel yihiin

“Xor ayay u yihiin bulshada Soomaaliyeed ninka qof ka dhintay ee horay ugu aasay halkan, haddii uu meel wanaagsan ku aasanaayo ama gurigiisa xor ayuu u yahay” ayuu raaciyay.

Arrintan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta qabuurahan laga bixiyay maydka Majaajiliista Ajakis oo ay ehelladu ay sheegeen inay ku aasayaan goob kale.