Xasan Sheekh oo Muqdisho ka sagootiyey haweeney ay dalka ka ceyrisay DF

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee taageerada dowlad dhiska, nabada, amniga iyo arimaha binu aadannimo

Wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo Madaxweynaha uga mahad-celiysay kulankan ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa isla Catriona Laing oo soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Danjire Laing doorkii ay ka soo qaadatay taageerada dowladnimada Soomaaliya, muddadii ay ka howlgaleysay dalkeenna, taas oo xoojisay taageerada iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Dhinaceeda, Danjire Catriona Laing ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wada-shaqeynta ay u muujiyeen intii ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.