Xog kasoo korortay kiiska SAYID-CALI iyo maxkamadda oo berri tallaabo qaadeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa berri mar kale la hor geynayaa maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Maxkamadaan ayaa horay u dhageysatay dacwadda kiiska Sayid-cali, balse mar kale ayaa berri la horgeynayaa si dhageysiga dacwadiisa horay loogu sii amba qaado.

Sayidcali, isaga ayaa dalbaday maxkamadda racfaanka, kadib markii u uku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday.

Ninkaan ayaa gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis, waxayna u geeriyootay dhaawac culus oo ka soo gaaray dab uu qabadsiiyey, balse waxay dood ka taagan tahay qaabka uu ninkaan dabka u qabadsiiyey xaaskiisa.

Sayid-Cali ayaa ku dooday in gurigiisa uu gubay, isla markaana xaaskiisii Luul ay gashay guriga oo gubanaya, markii uu dabku qabsaday ayuu sheegay inuu ku dadaalay badbaadinteeda, ilaa isagu uu gubtay.

Gacan iyo wajiga ayuu ka gubtay Sayid-Cali, waxaana la waayey marqaati ku cadeeya in gabadha xaaskiisa aheyd u uku tala-gal u gubay, balse baaritaanada xeer ilaalinta iyo qoyska Luul ayaa maxkamadda gobolka ku qanciyey in ninkaas lagu xukumo dil toogasho ah.

Hadda kiiskiisu wuxuu u gudbay maxkamadda racfaanka, waxay horay kiiskaan u dhageysatay hal mar, waxaana berri suurtagal ah inay ka soo saarto xukun.

Hadii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.

Qoyska Luul Cabdicasiis oo diidanaa inay aastaan meydka ayaa ku qancay xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday Sayid-Cali, taasi oo sababtay in markii dambe meydka la aaso, in kastoo markaas uu reerku ogaa go’aanka uu racfaanka ku qaatay Sayid-Cali.