TOOS: Maxkamadeynta Sayid-Cali iyo waxyaabaha ka cusub kiiskiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta fadhi labaad ka yeelatay kiiska xasaasiga ah ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi.

Fadhigan oo ka duwan kii hore ayaa waxaa ka qayb-galaya dhinacyada u dhexeyso doodda oo ah xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha iyadoo dadweyne kale ay tegeen hoolka, kuwaas oo ay ku jiraan ehellada labada dhinac.

Maxkamadda ayaa toos u guda gashay doodda, waxaana maanta lagu soo bandhigay fadhigan caddeymo cusub oo ay la timid xeer ilaalinta qaranka oo iyadoo soo oogtay dacwaddan.

Waxyaabaha ka cusub kiiskan waxaa kamid ah in lasoo bandhigay muuqaalka guriga lagu gubay Luul, in la keenay marqaatiyeyaal cusub oo ay ku jiraan dadkii ugu horreeyay ee marxuumadda ugu galay guriga iyo dhaqaatiirta isbitaallada la geeyay kahor inta aysan geeriyooon.

Faadumo oo kamid ah dariska marxuumadda ayaa ka hor hadashay maxkamadda, waxayna sheegtay inay aragtay Luul oo gubaneyso, isla markaana Ashahaadaneyso.

“Albaabka waxaa taagnayd marxuumad Luul oo Ashahaadeynao, isla markaana gubaneyso, waxayna dalbaneysay caawinaad” ayay tiri Marqaati Faadumo.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Aniga waxay igu tiri eedo i caawi, kadibna sidaas ayaan ku qaadnay aniga iyo dad kale, waxayna igu tiri intii aan sii wadnay lmaheyga waa Agoon, haddana ma rajoobi doonaan?”

Doodda ayaa haatan sii socota, waxaana si toos ah loogala socdaa warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu kiiskan yahay mid aad isha loogu wada hayo.

Sayid-Cali, isaga ayaa dalbaday maxkamadda racfaanka, kadib markii uu ku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday.

Horay waxaa ninkan xukun dil toogasho ugu soo xukuntay maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Banaadir, kadib markii ay sheegtay in lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay.

Si kastaba, hadii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.