Halka uu ku dhacay Hoobiye lagu soo riday Muqdisho iyo sababta keentay dabaca amni

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoobiye ayaa xalay kusoo dhacay dhabarka danbe ee Madxafka Qaranka, gaar ahaan dhisme aad ugu dhow xarunta TV-ga Universal, waxaana laga helayaa xog hordhac ah.

Waxaa la sheegay in hoobiyahaas oo ahaa hal xabo uu ku dhacay guri weyn oo dhisme uu ku socday oo wax dad ah aysan joogin xiligaan.

Goobjooyaal tegay dhismaha uu hoobiyahaasi ku dhacay ayaa Caasimada Online u sheegay in wax khasaare nafeed ah uusan geysan hoobiyahaas, maadaama uusan dad joogin guriga.

Lama garanaayo halka laga soo tuuray hoobiyahaas, sidoo kale waxay dowladdu horay ugu guul-dareysatay inay ogaato halka laga soo rido hoobiyaha lagu garaaco xaafada Muqdisho.

Ammaanka Muqdisho ayaa maalmahaan laga dareemayaa culeys aan horay u jirin, waxaana loo sababeynayaa dhowr arrimood oo is biirsaday.

Kow, isbedelka lagu sameeyey hoggaanka NISA oo muhiim u ah amniga Muqdisho, Mahad Salaad oo xafiiska muddo ku dhow labo sano ayaa ku guuleystay amni ku soo dabaalidda caasimadda Muqdisho.

Hadda, waxaa xafiiska la wareegay Cabdullahi Sanbaloolshe, waxaana hortaalla xujo adag, taasi oo ah inuu halkiisa kasii amba-qaado sugidda amniga Muqdisho iyo in Khawaarijta lagu beegsado deegaanada ay joogaan.

Tan kale oo loo sababaynayo weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho ku soo badanaya waa dagaalkii ka dhanka ahaa Khawaarijta ee ka socday gobollada dalka uu istaagay, taasi oo fududeyneysa in kooxdu ka shaqeyso sidii ay dhibaatooyin uga geysan lahaayeen gudaha caasimada, si shacabka ay u niyad jebiyaan.