Sawirro: Cabdullaahi Caliyow iyo Najiib Cabdisalaan oo howlgal lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta howlgal culus ay ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee ka howlgasha Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku gaaray Sarmaan-dheere iyo Mooro-busbus ee gobolka Baay, waxaana lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgalkaas ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu horjoogayaal ka tirsanaa kooxda oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Caliyow iyo Najiib Cabdisalaan.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in marka la dilayay ay uruurinayeen lacago baad ah, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka.

“Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal ay xalay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Baay waxa ay ku dileen Cabdullaahi Caliyow iyo Najiib Cabdisalaan oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuna howlanaa uruurinta baad ay ka qaadayeen dad shacab ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Xubnaha la dilay ayaa ahaa bartilmeedka howlgalka, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka.

“Howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaannada Sarmaan-dheere iyo Mooro-busbus ee gobolka Baay, waxayna saraakiisha hoggaamineysay howlgalka u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka in ay ku guuleysteen dilka dhagarqabayaashii bartilmaameedka u ahaa ee shacabka dhibaateyn jiray” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday deegaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu qaaday kooxda Al-Shabaab.